Jacayl - Wikipedia Jacayl Ka Wikipedia Jump to navigation Jump to search Astaanta caalamiga ah ee jecaylka. waa qalinkii abwaan zakariye hassan cibaar "Ài" waa erey Shiine ah oo macnihiisu yahay jecayl. Jacayl ama Jecayl waa qiiro qof u qaado ama hayo shey kale. Sidoo kale, Jecaylku waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale. Tusaale ahaan, jacaylka hooyo iyo aabo; jacaylka Alle; kan qof kale (lab ama dhidig); jaceylka shey ama walax sida baabuur, buug, filim, hees iwm. Guud ahaan, Jacaylku waa dareen qof u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah: Jacaylka diinta Jacaylka waalidka Jacaylka walaalaha Jacaylka ubadka (caruurta ama ciyaalka) Jacaylka qof sida gabadh ama wiil Jacaylka shey sida cunto, baabuur, buug, filim, hees iwm. Jacaylka noole kale xoolo ama xayawaan Si kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm. Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood: 1. Jecaylka dabiiciga: jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka. 2. Saaxiibtinimo: jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay. 3. Naf-u-saaris: waa jacayl qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni. 4. Jecaylka Galmo: jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo ama wasmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada. Qoraalka gudaha oo kooban 1 Jecayl 2 Taarikhda Jecaylka 3 Qeybaha Jecaylka 3.1 Jecaylka Dabiiciga 3.2 Saaxiibtinimo 3.3 Naf U Saaris 3.4 Jecaylka Galmo 4 Diimaha iyo Jecaylka 5 Qoraalo La Mid Ah 6 Xigasho Jecayl Sanab jira in ka badan 3,000 oo sano kaasi oo muujinaya jeceylka lab iyo dhedig. Sidaan horay u soo sheegnay Jecaylku waa dareen, naxariis, hami, doonid, ka firir, xaalad iyo rabitaan qof u qaado ama hayo shey, qof, walax ama wax kale. Intaas waxaa dheer, jacaylku waa ka helitaan (liking) badan ama saa'I'd ah oo qof u gaar ah taasi oo u hogaamisa wanaaga, naxariista iyo welwelka qofka uu jecel yahay. Jecaylka waxaa lid ku ah ama ka soo horjeeda nacayb (hate) oo iyadna ah dareen lid ku ah kan jecaylka.[1] Taarikhda Jecaylka Jeceylka waalidka waa kan ugu horeeya ee qofku la kulmo horaanta nolosha. Ereyga Jacayl, sidii la doono ha loo isticmaalee, waa mid dadku aqoon u lahaayeen isla markaana adeegsan jireen tan iyo horaantii aadamaha. Dunida aan maanta ku nool nahay waxay ka kooban tahay wadano, bulshooyin, qabiilo, dowlado iyo dadyoow aad u badan; mid kastana wuxuu leeyahay erey ama kalmad uu u adeegsado jecaylka. Maadaama luuqaduhu kala duwan yihiin, bulshooyin badani waxay isticmaalaan in ka badan "hal eray" markeey sheegayaan jecaylka. Tusaale ahaan, wadanka Giriiga qabiilka loo yaqaan Agape waxay adeegsadaan ereyga ἀγάπη taasi oo macnaheedu tahay "jecaylka diini", halka eregya s'agapo (Σ'αγαπώ) ay u isticmaalaan "waan ku jecelahay". Tusaale labaad waa meelo ka mid ah dalka Shiinaha waxaa laga isticmaalaa kelmadaha wǒ ài nǐ (我愛你) oo macnaheedu tahay "jecayl" ama "waan ku jecelahay" labadaba waa loo adeegsadaa taasi oo u dhiganta qaabka wadanada reer galbeedku u qeexaan jecaylka. Laakiin sida caadiga ah dalka Shiinaha waxaa la isticmaalaa wǒ xǐhuān nǐ (我喜欢你) oo macnaheedu noqonayo "waan kaa helay" tan ayaa ah dhaqanka dadkaasi marka qof soo bandhigayo dareenkiisa iyo jecaylkiisa.[2] Ilbaxnimooyinkii ugu horeeyay dunida, sida Baabiyloon, Assiyriya, Akkadiyaanka iyo guud ahaan deegaanada u dhexeeya labada webi ee kala ah Tigris iyo Furaat ee loo yaqaano Mesobotaamiya kuwaasi oo jirey wakhti hada laga joogo 3,000 sano ka hor, ayaa waxaa la sheegay in jecaylku caan ka ahaa bulshooyinkaas dhexdooda. Waxaa faahfaahin fiican laga helay gabayo iyo suugaan kale oo laga helay ilbaxnimooyinkaasi kuwaasi oo qeexaya qof jacayl daran u qaba qof kale."[3] Qeybaha Jecaylka Guud ahaan, Jacaylka aadamahu waa dareen qof u hayo qof ama dad kale noocuu doonaba ha ahaadee. Intaas waxaa dheer, jecaylku wuu noocyo iyo qaabab badan yahay, waxaana jira ugu yaraan toban nooc oo jacayl ah. Kuwaas waxaa ka mid ah: jacaylka diinta, jacaylka waalidka, jacaylka walaalaha, jacaylka ubadka (caruurta ama ciyaalka); jacaylka qof sida gabadh ama wiil isku hayaan ama mid ka mid ahi u qaado kan kale; jacaylka shey sida cunto, baabuur, buug, filim, hees iwm; jacaylka noole kale sida xayawaanka gurijooga ah ama loo yaqaano "bets"ka ey ka mid yihiin bisada, xoolo la dhaqdo iyo kuwo kale oo ka tirsan xayawaanka.[4] Si kastaba ha ahaatee, Jecaylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo la doonista wax fiican. Qofka jecaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta u badan, dadku waxay jecaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh iwm. Jacaylku waa mid dunida ka soo jiray tani iyo wakhtiyadii ugu horeeysay dadka. Guud ahaan, jecaylka aadamaha waxaa loo kala saaraa afar qeybood: Jecaylka dabiiciga, Saaxiibtinimo, Naf-u-saaris, iyo Jecaylka Galmo Jecaylka Dabiiciga Jacaylka dabiiciga ah waa kan qofku u hayo waalidkiis ama waalidku u hayo ilmahiisa. Intaas waxaa dheer, jecaylkan waa kan qofku u qaado cibaadada Alle, diinta nebiga ama nebiyada iyo wixii la hal maala. Jecaylka noocan ahi waa mid dabiici ah oo qofka ku abuurma wakhtiga dhalashada ilaa inta uu ka dhimanaayo, inkastoo jacaylka waalidku bilaabmo wakhtiga ugu horeeya nolosha qofka. Saaxiibtinimo Jacayl caadi ah oo qofku u qaado asxaabtiisa, walaalihiis, xaaska ama seyga, sheey, marxalad iwm. Jecaylka noocan ahi waa mid degan oo ku salaysan ixtiraam, qadarin, sharaf iyo wanaag la doon. Sida caadiga ah qofku wuxuu bilaabaa jecaylkan wakhtiga uu qaangaadhka gaadho ama ku dhow yahay ee garaadkiisu inta u badan dhamaystiran yahay. Naf U Saaris Jecaylka naf-u-saarista ah waa mid qeyral caadi ah taasi oo qofka wax jeceli diyaar u yahay in uu naftiisa/nafteeda u hibeeyso qof kale. Jecaylka noocan ahi inta u badan wuxuu dhex maraa labo qof oo kala jinsi (sex) duwan, sida wiil iyo gabadh. Sidoo kale, jacaylka naf-u-saarista ahi waa mid bedela shakhsiyada, dhaqanka iyo nolosha qofka uu hayo; waxaana mararka qaar lagu sheegaa waalni.[5]Dhaqanka Dunida Jecaylka Galmo Jecaylka galmo (eros ama sex love) waa rabitaanka iyo hamiga galmo ama wasmo qof ka doonayo qof kale. Jecaylkani wuxuu ku salaysan yahay ficilka iyo samaynta galmo taas oo laga yaabo in labada qofba sidaasi rabaan ama mid ka mid ahi jecel yahay falkaasi. Inta u badan jecaylka galmo ma ahan mid qoto dheer, sababtoo ah labada qof iskuma hayaan dareen ka badan samaynta iyo falgalida galmada."[6] Diimaha iyo Jecaylka Qoraalo La Mid Ah Xigasho ↑ {{cite web dadka isjecel ee lab iyo dhadig ayaa dnidan aad ugu faro badan waxaana ka mid ah cilmi boodhari iyo hodan, qays iyo layla, duuliye iyo hodan , dadkan ayaa waxay yihiin inta ugu badan ay yaqaanaan dadka taariikhdana kaga jira boga hore ee roomaansiga ama jacaylka aan jilida ahayn |url=http://www.TrueOpenLove.org/reference/AncientLovePoetry.html |title=Ancient Love Poetry}} ↑ http://www.TrueOpenLove.org/reference/AncientLovePoetry.html.  Maqan ama ebar |title= (caawin) ↑ . Newadvent.org http://www.newadvent.org/summa/2026.htm#article4. Soo qaatay 2010-10-30.  Maqan ama ebar |title= (caawin) ↑ Kay, Paul; Kempton, Willett. American Anthropologist. New Series. 86 (1): 65–79. doi:10.1525/aa.1984.86.1.02a00050.  Barameter aan la aqoon |month= ignored (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin) ↑ http://www.worldtransformation.com/what-is-love/ What is love?. In The Book of Real Answers to Everything! Griffith, J. 2011. ISBN 978-1-74129-007-3. ↑ Leibniz, Gottfried. Wikisource edition http://la.wikisource.org/wiki/Confessio_philosophi. Soo qaatay Mar 25, 2009.  Maqan ama ebar |title= (caawin) Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Jacayl&oldid=198944" Qeybta: Jacayl Qeybaha qarsan: Pages with citations lacking titles Pages with citations having bare URLs Pages with citations using unsupported parameters Pages using ISBN magic links Liiska laga galo Qalabkaaga Ma soo galin Wadahadalka ciwaanka IP:kaan Contributions Sameeyso akoon Soo gal Xarun magaceedyada Bog Wadahadal Isbedelada Muuqaalka Akhri Fiiri xogta Fiiri taariikhda More Raadi Gooshitaan Bogga Hore Bortaalka jaaliyada Dhacdooyinka cusub Isbedelada dhow Ku nasiibso bog Caawinaad Tabarucid Qalabka Maxaa meeshaan la xiriiro Isbedelada la'xiriira Soo geli fayl Bogagga khaaska ah Linkiga daaimka ah Macluumad ku saabsan Boggaan soo xigo shay Daabac/dhoofin sameey buug Soo dejiso sida PDF Nooc la daabicikaro In other projects Wikimedia Commons Luqadaha kale Afrikaans Akan Alemannisch አማርኛ Aragonés Ænglisc العربية الدارجة مصرى অসমীয়া Asturianu Azərbaycanca تۆرکجه Башҡортса Boarisch Žemaitėška Беларуская Беларуская (тарашкевіца)‎ Български বাংলা བོད་ཡིག Brezhoneg Bosanski Буряад Català Mìng-dĕ̤ng-ngṳ̄ Нохчийн کوردی Corsu Čeština Чӑвашла Cymraeg Dansk Deutsch Ελληνικά English Esperanto Español Eesti Euskara Estremeñu فارسی Suomi Français Frysk 贛語 Kriyòl gwiyannen Gàidhlig Galego Avañe'ẽ गोंयची कोंकणी / Gõychi Konknni ગુજરાતી Hausa 客家語/Hak-kâ-ngî עברית हिन्दी Fiji Hindi Hrvatski Kreyòl ayisyen Magyar Հայերեն Interlingua Bahasa Indonesia Igbo Ilokano Íslenska Italiano ᐃᓄᒃᑎᑐᑦ/inuktitut 日本語 Patois Jawa ქართული Қазақша ភាសាខ្មែរ ಕನ್ನಡ 한국어 कॉशुर / کٲشُر Ripoarisch Kurdî Кыргызча Latina Ladino Lëtzebuergesch Limburgs Ligure Lumbaart Lingála Lietuvių Latviešu Македонски മലയാളം Монгол मराठी Bahasa Melayu Malti Mirandés မြန်မာဘာသာ Nāhuatl नेपाली नेपाल भाषा Nederlands Norsk nynorsk Norsk bokmål Occitan ଓଡ଼ିଆ ਪੰਜਾਬੀ Picard Polski Piemontèis پنجابی پښتو Português Runa Simi Română Русский Русиньскый Саха тыла ᱥᱟᱱᱛᱟᱲᱤ Sardu Sicilianu سنڌي Srpskohrvatski / српскохрватски සිංහල Simple English Slovenčina Slovenščina Shqip Српски / srpski SiSwati Svenska Kiswahili தமிழ் Тоҷикӣ ไทย Türkmençe Tagalog Türkçe Xitsonga Татарча/tatarça ئۇيغۇرچە / Uyghurche Українська اردو Oʻzbekcha/ўзбекча Vepsän kel’ Tiếng Việt Walon Winaray 吴语 მარგალური ייִדיש 中文 文言 Bân-lâm-gú 粵語 Bedel linkiga Boggaan waxaa markii ugu danbeesay wax laga badalay 8 Febraayo 2020, marka ee eheed 13:07. Qoralka waa la heli karaa sida uu qabo Ruqasadda Commons ee hindisidda ee marka loo eego la midka; waxaa soo hoos gali kara qodobo kale. Eeg Shuruudaha adeegsiga ee faahfaahinta. Xeerka Wiki Ku saabsan Wikipedia Masuul la'aan Nuqul mobil Soo saareyaasha Statistics Cookie statement